Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo Xilkii U kala Wareejiyey Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore ee Degmada Arabsiyo.
Arabsiyo (OWN) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ayaa si rasmi ah xilka ugala wareejiyey guddoomiyihii hore ee Degmada Arabsiyo iyo guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmadaas.
Munaasabadda xil wareejinta oo si habsami leh u dhacday ayaa ahayd mid lagu muujiyey isbeddelka maamulka iyo muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta hay’adaha deegaanka.
Guddoomiyaha gobolka ayaa uga mahadceliyey guddoomiyihii hore shaqadii uu qaranka u soo qabtay, wuxuuna guddoomiyaha cusub ku boorriyey inuu ka shaqeeyo horumarinta degmada iyo danaha bulshada deegaanka.




