Maxamuud Xaashi Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Somaliya;

 

“Xukuumadda Xasan Sheekh ee Muqdisho iyo isku daygeeda musuqmaasuqa ah ee lagu doonayo in si sharci-darro ah loogu khasbo Dadka Safarka ah inay bixiyaan lacag fiiso ka hor inta aanay gelin Somaliland, waxa ay si cad u jebinaysaa madax-bannaanida Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah.

Dawladda Somaliland ma sii wadi karto in ay ka Sii aamusnaanto arrintan. Waa inay u hoggaansanto dastuurka somaliland, kuna dhaqaaqdaa talaabo ku habboon oo ka dhan ah shirkadda duulimaad Ee fulisa ficilkan khaldan.

Waxaa cad in go’aanka shacabka Somaliland aanu ka hor istaagi doonin xukuumad musuq-maasuq salka ku haysa oo fadhigeedu yahay Muqdisho.” Guddoomiyaha Xisbiga Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker