Israa’iil oo weerar ka fulisay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar
Israa’iil ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ka fulisay weerar ay ku bartilmaameedsatay hoggaanka sare ee ururka Xamaas.
Waxaa lagu soo waramayaa in ay lahaayeen shir ay uga hadlayeen hindisehii ugu dambeeyay ee xabad joojinta Gaza. Qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay degmada Katara ee magaalada. Muqaal la soo galiyay khadka internetka ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka kacaya aagga




