๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฆ๐ ๐๐๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฑ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ, ๐ค๐ฎ๐ฐ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta magaalada Boorama xadhigga ka jaray waddooyin cusub oo laami ah oo ay hirgelisay Dawladda Hoose ee Degmada Boorama. Sidoo kale, M/weynuhu waxa uu dhagax-dhigay waddooyin kale oo hor leh oo ay hirgelin doonto Dawladda Hoose ee Degmada Boorama.
Munaasibadda xadhigga-ka-jarista ayaa ahayd mid si weyn loogu soo dhaweeyay, waxana ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Awdal, Maamulka Degmada Boorama iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in mashruucyadan dhismaha waddooyinka ahi ay yihiin tallaabo muuqata oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, isku xidhka bulshada iyo fududeynta isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada gudaheeda.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee maamulka Dawladda Hoose ee Boorama iyo sida ay ugu dedaalayaan in ay bulshada reer Boorama u soo kordhiyaan adeegyo horumarineed oo waxtar u leh dhammaan shacabka ku nool degmada.




