Somaliland oo laga Xustay Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-Qoraalka
Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u qabatay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-Qoraalka oo ku beegan 8-da Sebtembar, taas oo sanad kasta si caalami ah loo xuso.
Xuskan oo si heer sare ah loo agaasimay waxa ka soo qayb galay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Faacuul, agaasimeyaal iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, arday ka kala socday dugsiyada aasaasiga ah iyo kuwa dadban, hay’ado wada shaqayn la leh wasaaradda, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horreyn, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban, Marwo Umalkhayr Xasan Xuseen ayaa hadal ka jeedisay munaasabadda, waxayna si qoto dheer uga hadashay muhiimadda uu akhris-qoraalku u leeyahay horumarka qofka iyo bulshada. Waxay xustay in akhris-qoraalku yahay laf-dhabarta horumarka nolosha iyo waxbarashada.
Ugu dambayn, Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Mudane Maxamed Faacuul oo xidhitaankii xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xirfadaha akhriska iyo qoraalka, si loo kobciyo tayada waxbarasho ee dalka.




