𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐐𝐨𝐝𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo ku gudo jira maalintiisii 2-aad ee Safarka shaqo ee magaalada Gabiley, ayaa maanta Dhagax-dhigay Mashruuc horumarineed oo aad muhiim ugu ah nolosha bulshada magaalada Gabiley.
Madaxweynaha ayaa Dhagax-dhigay Mashruuca ballaadhinta kaabayaasha Biyaha, Qodista Ceelal cusub, isku-xidhka ceelasha, iyo mashruuca macaanaynta biyaha magaalada Gabiley.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicani uu qayb ka yahay Qorshaha ballaadhan ee ay Xukuumadda ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada xagga biyaha ee bulshada reer Gabiley, taasi oo lagu xoojin kaabayaasha waxtarka u leh baahiyaha xagga biyaha ee magaalada Gabiley.




