๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฑ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐๐ก๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ก๐๐ช๐ญ๐๐ซ๐ค๐ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo ku gudo jira maalintiisii 2-aad ee Safarka shaqo ee magaalada Gabiley, ayaa maanta Dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo door ah oo laga hirgelinayo magaalada Gabiley, qaar kalena xadhigga ka jaray.
Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray adeeg Caafimaad oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay Dhaqtarka magaalada Gabiley, kaasi oo ah Mishiinka dhaliya hawada nadiifta ah (Oxygen Generator) oo guud ahaanba Gobolka Gabiley u qabay baahi weyn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicdani ay qayb ka yihiin Qorshaha ballaadhan ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada, lana xoojiyo kaabayaasha waxtarka u leh baahiyaha caafimaad ee Gobolka Gabiley.




