Ra’iisul Wasaaraha Barbados Mia Mottley oo Gaadhay Addis Ababa
Adis Ababa (OWN) Ra’iisul Wasaaraha Barbados, Mia Mottley, ayaa maanta ka degtey garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiirka Haweenka iyo Wacyigelinta, Ergoge Tesfaye (Dr.), iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Safiirka Berhanu Tsegaye.
Hogaamiyayaasha dalalka Karibiyanka ayaa Addis Ababa ku soo fool leh si ay uga qayb galaan Shirweynaha labaad ee bulshada Afrika-Karibiyanka, kaasoo la filayo inuu berri ka furmo caasimadda Itoobiya.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhexeysa Afrika iyo dalalka Karibiyanka.




