Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Daahfuray Bilowga Daraasadda Adeeg-daadejinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.
Hargeysa (OWN) Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasii Xirsi Warsame, ayaa daahfuray bilowga daraasadda lagu sahaminayo adeeg-daadejinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladaha kala duwan.
Kulankan oo ay ka qayb galeen wasiirro iyo agaasimayaal sare ayaa lagu adkeeyay muhiimadda adeeg-daadejintan si muwaadiniintu uga helaan adeegyada dawliga ah meelaha ay degan yihiin.
Barnaamijkan oo qayb ka ah ballanqaadyadii Madaxweynaha Somaliland, ayaa markii hore lagu bilaabi doonaa gobollada Togdheer, Awdal, iyo Sanaag, kadibna lagu ballaarin doono gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka.
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa sheegay in hay’adda ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta barnaamijkan, halka Wasiirka Ganacsiga uu xusay diyaar garowga xukuumadda ee adeeg bixinta muwaadiniinta.
Daraasadda bilowga ah ayaa lagu ogaan doonaa adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay in loo daadejiyo gobollada iyo degmooyinka, iyadoo dhammaan masuuliyiinta ay ballanqaadeen ka qayb qaadashada fulinta barnaamijkan adeeg-daadejinta.




