Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta gurigiisa ku booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta gurigiisa ku booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale .
Madaxweynuhu waxa uu Mujaahid Boobe ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, waxana uu Allah SWT uga baryay inuu caafimaadka u sii siyaadiyo .
Booqashada uu Madaxweynuhu ugu tagay Mujaahid, Qoraa, Wasiir hore Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe ) ayaa waxa ay muujinaysaa xidhiidhinta iyo ka war haynta Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee dadka abaalka gaarka ah ku leh Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.




