Wafti Ka Socda Golaha Wakiillada Somaliland oo Booqasho Taariikhi ah Ku Tagay Baarlamaanka Finland
Wafti heer sare ah oo ka socda Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha, Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Baarlamaanka dalka Finland. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka labada baarlamaan iyo kor u qaadista wada-shaqaynta caalamiga ah.
Xildhibaanada Waftiga Somaliland qaybta ka ah ayaa kala ah:
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Shareecada, Diinta iyo Qoyska
Xildhibaan Xasan Axmed Cilmi (Xasan-Kayse) Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada
Xildhibaan Xuseen Aadan Cabdi, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada
Waftiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Xildhibaan Kimmo Kiljunen, oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Finland, una ololeeya qadiyadda Somaliland, isaga oo muujiyay sida ay muhiim ugu tahay Finland inay kor u qaaddo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.
Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulanka Baarlamaanka Finland:
1. Qadiyadda Ictiraafka Somaliland
Waftiga ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay taariikhda iyo jiritaanka qarannimada Somaliland, iyagoo caddeeyay dadaallada joogtada ah ee ay ku doonayso ictiraaf buuxa. Waxay si gaar ah uga codsadeen Finland inay door muuqda ka qaadato taageerada Somaliland ee heer caalami.
2. Xoojinta Wada-shaqaynta Baarlamaanada
Labada dhinac waxay isla qaateen in la dhiso xidhiidh rasmi ah oo joogto ah oo u dhexeeya labada baarlamaan, kaasi oo fursad u siinaya is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta, tababarrada, iyo kor u qaadista fahamka siyaasadeed.
3. Doorka Finland ee Geeska Afrika
Xildhibaan Kiljunen wuxuu muujiyay sida Finland uga go’an tahay nabadda, dimuqraadiyadda, iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika. Watiga Somaliland ayaa ku adkaystay in Finland ay si gaar ah u tixgeliso taageerada Somaliland maadaama ay tahay dal nabdoon, dimuqraadi ah, kana go’an horumar waara.
weftiga ayaa sidoo kale kullan muhiim ah la qaatey Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Finland, oo ay dalkaasi booqasho ugu tageen weftigan ka socday Baarlamaanka Somaliland.
Intii ay booqashada socotay, waftigu waxa kale oo ay kulan la yeesheen Jaaliyadda Somaliland ee Finland, halkaas oo lagu qabtay munaasibad soo dhaweyn iyo mahadnaq ah. Waftigu waxay jaaliyadda la wadaageen xogta ku saabsan natiijada kulamada rasmiga ah, gaar ahaan dadaallada ay Somaliland ugu jirto in la fahmo xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Geeska Afrika.
Waxay si gaar ah u ifiyeen sida ay dawladda Finland ugu qanciyeen in mucaawimooyinka loogu talogalay Soomaaliya aysan si caddaalad ah u gaadhin shacabka Somaliland, ayna noqdeen aalad siyaasadeed oo lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland. Tani waxay keentay in Finland ay joojiso qayb ka mid ah mucaawimooyinkaas.
Jaaliyaddu waxay si weyn u taageertay dadaalka waftiga, waxayna ku dhiirrigelisay in la sii xoojiyo mideynta bulshada Somaliland ee Finland iyo ka qayb qaadashada hawlaha horumarinta dalka iyo qadiyadda qaranka.
Booqashadan rasmiga ah ee uu waftigu ku tagay Baarlamaanka Finland ayaa ka tarjumaysa dedaalka sii kordhaya ee Somaliland ku doonayso in ay hesho taageero caalami ah, iyadoo si cad u muujinaysa madax-bannaanideeda, hannaankeeda dimuqraadiyadeed, iyo doorkeeda nabadeed ee gobolka.




