Laascanood : Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayaa xabsiga loo taxaabay

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib waaran qabasho ah oo ay usoo jartay Maxkamadda Gobolka Sool.

Isimada dhaqanka beesha Jaamac Siyaad oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa saldhiga geeyey Jabuutaawi waxayna ku wareejiyeen Ciidamada Booliska.

Sida la sheegay Ganacsade Jabuutaawi ayaa ku eedaysan in uu ka dambeeyay falal lidi ku ah amniga oo dhowaan Laascanood ka dhacay kuwaas oo dad ku dhinteen qaarkalena ku dhaawacmeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker