Gudoomiye Ku Xigeenkii Golaha Gurtida oo Geeriyooday

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Marxuum Siciid Jaamac Cali. Geerida Marxuumka waxa si rasmi ah u xaqiijiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

Illaahay ha u naxariistee, Guddoomiye Siciid Jaamac Cali wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland, isagoo door muuqda ka soo qaatay nabadaynta, dib u heshiisiinta, iyo midnimada bulshada reer Somaliland. Wuxuu ahaa tiir muhiim ah oo Golaha Guurtidu ku taagnaa, waxaana uu ka mid ahaa xubnaha faro ku tiriska ah ee weli ka hadhay xildhibaanadii aasaaska u dhigay golahaasi.

Marxuumka ayaa muddo dheer ka tirsanaa Golaha Guurtida, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin:

Xoghayaha Golaha Guurtida,
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha,
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee uu xilkaas hayay illaa geeridiisa maanta.

Xoghayaha Guurtida ayaa sheegay in aaska Marxuumka la qaban doono maalinta Jimcaha, waxaana salaadda Janaasada lagu tukan doonaa Masaajidka Tabliiq ee magaalada Hargeysa, halkaasoo lagaga aasi doono Xabaalaha Haleeya ee Bariga magaalada.

إنا لله وإنا إليه راجعون
Allaah ha u naxariisto Marxuum Siciid Jaamac Cali, samir iyo iimaanna Allaah haka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker