Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo Qaabilay Wafti uu Hogaaminayo Maayarka Caasimadda Jabuuti

Gabiley (OWN) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mudane Maxamed Cabdillaahi Bookh, ayaa si rasmi ah u qaabilay wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo Maayarka Caasimadda Jabuuti, kuwaas oo booqasho ku tagey gobolka.

Waftigan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gabiley, ayaa waxa ay ujeedadoodu tahay xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan arrimaha horumarinta, maamulka magaalooyinka, iyo iskaashiga ganacsiga iyo adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mudane Bookh, oo hadal kooban ka jeediyay kulanka, ayaa uga mahadceliyay waftiga Jabuuti booqashadooda, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Gabiley iyo Jabuuti.

Dhankiisa, Maayarka Caasimadda Jabuuti ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshahooda Gabiley, waxana uu muujiyay rajo weyn oo ku aaddan in iskaashigan cusub uu keeni doono faaโ€™iidooyin muuqda oo labada dhinacba ay ka faaโ€™iidi doonaan.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallo lagu horumarinayo xidhiidhka bulsho iyo midka maamul ee ka dhaxeeya Dowladdaha Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker