Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland oo Digniin Adag soo saaray

Hargeysa (OWN) Ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland ayaa si adag uga digay gaadiidka aan sharciga lahayn iyo darawaliinta aan haynin laysanka darawalnimada.

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in gaadhi aan sharcigiisu dhammaystirnayn uu waddooyinka dhex socdo, isla markaana darawal aan laysan haysan uu gaadhi kaxeeyo.

Waxa uu caddeeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta nidaamka waddo marista.

Waxaaney yidhaahdeen.”Dadka cashuurta bixiya, sharcigana ilaaliya, lama aqbali karo in jidka lagu cidhiidhiyo ama lagu dhibo gaadiid aan sharci ahayn. Qof kasta oo lagu helo dambigaas waa la ganaaxi doonaa, sharcigana waa la marsiin doonaa,”

Digniintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sugayo ammaanka waddooyinka, isla markaana lagu ilaalinayo xuquuqda iyo badqabka muwaadiniinta si daacad ah ugu hoggaansan xeerarka waddo marista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker