Wasiirka Dhallinyarada JSL oo kulmay Dhalinyarada Maqalka Naafada ah si loogu Dhiirrigeliyo ka Qaybgalka hawlaha wasaaradda
Hargeysa (OWN) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-yaasiin Maxamed Faarax, agaasimaha guud Mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), ayaa maanta kulan la yeeshay dhalinyarrada aqoonyahannada iyo ciyaaryahannada maqalka naafada ka ah ee ka soo jeeda gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex.
Kulankan ayaa lagu lafo-gurey qodobbo muhiim ah oo la xiriira horumarinta iyo ka qayb-gelinta dhalinyarrada maqalka naafada ah ee hawlaha wasaaradda:
1. In loo qabto tartan heer gobol.
2. In xafladda xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka loo qabto tartan hal maalin ah.
3. In shaqaalaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha la baro luuqadda suul-dhabaalaynta (Sign Language).




