Burkina Faso oo mamnuucday xidhiidhka dadka isku-jinsiga ah
Dowladda militeriga ee Burkina Faso ayaa mamnuucday xiriirka dadka isku jinsiga ah. Tallabadan ayaa soo baxday in ka badan sanad markii dib uu eegis lagu sameeyay xeerka qoyska kaas oo lagu mamnuucayo xiriirka dadka isku jinsiga ah.
Wadankan galbeedka Afrika ayaa ka tirsan 22 ka mid ah 54-ta dal ee Afrika ee ay dambiga ka tagay xiriirka dadka isku jinsiga ah.
Isniintii ayey ansixiyeen militeriga qeynuun mamnuucaya guurka dadka isku jinsiga ah, waxayna ku sheegeen in ay qeyb ka tahay dib u qaabeyn balaaan oo lagu sameynayo sharciyda qoyska iyo muwaadinka.
Qeynuunkan cusub oo wata ciqaab shan sano oo xarig ah waxa uu qeyb ka ahaa olole balaaran oo looga horjeedo xiriirka dadka isku-jinsiga ah oo ka jiray qaarada oo dhan.
Wasiirka cadaalada Edasso Rodrigue Bayala ayaa ka sheegay warbaahinta dowladda RTB, “sharcigan waxa uu wataa xabsi u dhexeeya labo ilaa iyo shan sano iyo ganaax”.
Wuxuu kaloo sheegay wasiirka in cid kasta oo looga shakiyo xiriirada dadka isku-jinsiga ah in tallaabo laga qaadayo iyadoo shisheeyahana la masaafurinayo.
Sanadkii la soo dhaafay dalka Mali ayaa ansixiyay qeynuun looga horjeedo xiriirka dadka isku-jinsiga ah.
Dalal ay ka mid yihiin Ghana, Nigeria iyo Uganda ayaa ka mid ah dalalka qaarada ee ansixiyay qeynuunka mamnuucdayo xiriirka dadka isku-jinsiga ah.



