Boko Haram-ta cusub ee dhibaatada ku haysa dadka gobolka Borno ee Nigeria

Weerarada Boko Haram ee in dhawaalaba ku soo badanayay gobolka Borno ayaa walaac iyo cabsi ku abuuray shacabka gobolkaasi.

Senetarka matalaya koonfurta gobolka Borno. Ayaa wareysi uu siiyay BBC-da, walaac kaga muujiyay kooxdan, gaar ahaan weerarada joogtada ah ee kooxdu ay ka geysanayso deegaankiisa.

Senator Muhammad Ali Ndume ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay laayeen dad beeraley ah oo ku sugnaa deegaanka Gwoza, taasoo keentay in bulshada deegaanka ay soo wajahdo cabsi iyo walwal ay ka qabaan inay beeraha tagaan.

Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka iyo ciidamada in ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa kooxda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker