Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shir amniga lagu xoojinaayo ku qabtay Hargeysa
Hargeysa (OWN) Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa maanta kulan muhiim ah ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo lagaga hadlay adkaynta iyo kor u qaadida amniga dalka, gaar ahaan gobolka Maroodi-Jeex.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha sababa hoos u dhaca amniga, iyadoo dhammaan masuuliyiintii ka qayb galay ay isla qaateen qodobadii khuseeyay sugidda nabadgelyada.
Masuuliyiinta kulanka ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa wasiirka hawlaha Guud iyo Guryaynta, guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex, taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo bini’aadantinimada, iyo agaasimaha Nabadgelyada ee dawladda hoose ee Hargeysa.



