Shirka Guddida Sare ee Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda
Shirkii afraad ee Guddida Sare ee Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ayaa si guul leh uga soo gabagaboobay magaalada Hargeysa.
Shirka Waxa qayb ka mid wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, sida:
Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska Marwo Milgo Maxamed Cilmi
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Marwo Kaltuun Sheekh Xasan
Wasiirka Diinta & Awqaafta Sh. Cabdullaahi Daahir Jaamac
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Mudane Cabdicasiis Xirsi
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka Mudane Saleebaan Maygaag
Qodobada Laga Soo Saaray
1. Ansixinta Miisaaniyadda 2026 oo ku saleysan baahiyaha hay’adda iyo qorsheyaasha sanadlaha ah.
2. Dardargelinta shaqada hay’adda iyadoo la xoojinayo adeegyada la siiyo hawlgabka iyo horumarinta nidaamka xaqsiinta.
Shirku wuxuu muujiyay dadaalka lagu xoojinayo adeegyada shaqaalaha hawlgabka ah iyo horumarinta hay’adda.




