Golaha Wakiillada oo Guddi u saaraya Xeerka Rahanka hantida Maguurtada

Hargeysa (OWN) Fadhigii saaka ee golaha wakiilllada Somaliland, oo shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Xeerka Rahanka hantida Maguurtada ah iyo Bangiyada Somaliland.

Xildhibaanadu waxay soo jeediyeen in xeerkan si qoto dheer loo eego iyo in la sameeyo guddi gaar ah oo ka shaqeeya daraasadda iyo kaabista qodobbadiisa.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ayaa soo dhaweeyay talooyinkaas, isagoo sheegay in guddi kooban la magacaabi doono si ay u soo diyaariyaan warbixin rasmi ah oo Golaha u horseedaysa go’aanka kama dambaysta ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker