Guddiga Dabagalka Ee Golaha Wakilada Oo kormeeray Guddiga Qandarsyada

Hargeysa (OWN) Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xafiiskooda, iyagoo martiqaaday Komishanka Qandaraasyada Qaranka ee dhawaan Madaxweynaha magacaabay.

Kulanka ayaa lagu hubiyay xilka iyo waajibaadka Komishanka, xubnuhuna waxay weydiiyeen su’aalo ku saabsan shaqadiisa iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Komishanka ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalaha, isla markaana sharaxay himilooyinka istaraatiijiga ah ee hay’addu ku shaqayn doonto.

Guddidu waxay ku adkaysay inay sii wadi doonaan dabagalka joogtada ah si loo hubiyo in hantida qaranka loo isticmaalo si masuuliyad iyo hufnaan leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker