𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐀𝐍𝐆𝐈𝐆𝐀 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐀𝐆 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay Xafladda Furitaanka ee BANGIGA WADAAG oo maanta si rasmi ah looga Daahfuray magaalada Hargeysa.
Munaasibadda furitaanka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Ganacsato Waaweyn, Madaxda Bangiyada hore uga furnaa Dalka, Aqoonyahanka, Qurbe-jooga, bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale. BANGIGA WADAAG ayaa noqonaya Hay’ad Maaliyadeed oo Casri ah, kaas oo qayb weyn ka qaadan doona kobcinta dhaqaalaha dalka, fududeynta adeegyada bangiyada iyo dhiirrigelinta maalgelinta gudaha.
Mabaadi’da iyo yoolka aasaaska u ah Hawlaha BANGIGA WADAAG waxa lagu soo koobi karaa 3-dan qodob:
1. Midaynta Awoodaha Dhaqaale ee Bulshada JSL,
2. Xoojinta Wax-soo-saarka Gudaha Dalka,
3. Yaraynta Saboolnimada Bulshada JSL,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maamulka iyo Mulkiilayaasha Bangiga Wadaag ku bogaadiyey dadaalka iyo maalgashiga weyn ee ay ku soo kordhiyeen dalka, isaga oo tilmaamay in Hay’adaha Maaliyadeed ee Casriga ahi ay laf-dhabar u yihiin horumarka dhaqaalaha, shaqo abuurka muwaadiniinta iyo xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibaddaba.
Munaasibadda waxa kale oo hadallo miisaan leh ka jeediyey: Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Bangiga Wadaag, Guddoomiyaha Bangiyada Gaarka loo leeyahay, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI , Guddoomiyaha Xisbiga KAAH , Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Bangiyadu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Qaranka, iyaga oo door weyn ku leh:
1. Kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta suuqyada Maaliyadeed,
2. Dhiirrigelinta Maalgashiga Gudaha iyo Dibadda,
3. Abuurista fursado shaqo oo muhiim u ah dhalinyarada iyo bulshada JSL,
4. Hagaajinta adeegyada maaliyadeed ee casriga ah.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu tilmaamay in horumarka Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka ay astaan u yihiin kalsoonida iyo is-beddelka dhaqaale ee Somaliland, isaga oo ku booriyey bulshada iyo ganacsatada in ay ka faa’iidaystaan fursadaha iyo adeegyada uu BANGIGA WADAAG iyo Bangiyada kale ee dalka ka hawlgalaa ay bixiyaan.



