Xamaas oo soo saartay digniin ay u dirayso Israa’iil

Xamaas ayaa ka digtay in haddii ciidamada Israa’iil ay fuliyaan qorshahooda ah inay qabsadaan Magaalada Qasa, ay taasi halis weyn gelin doonto nolosha maxaabiista halkaas ku sugan.

Xamaas waxay sidoo kale sheegtay in maxaabiista ku jira Qasa ay “halis la mid ah tan ciidamada Israa’iil ee halkaas ku sugan wajahayaan.”

Kooxdu waxay intaas ku dartay inay isku dayi doonto ilaalinta maxaabiista haray “intii karaankeeda ah.”

Digniintan ayaa ka dambeysay kadib markii militariga Israa’iil ay Magaalada Qasa ku dhawaaqeen inay tahay “goob dagaal.”

Mid ka mid ah maxaabiista, oo lagu magacaabi jiray Alan Weiss, da’diisuna ahayd 56 sano jir, ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhintay weeraradii October 7.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay heleen meydka Ilan Weiss intii lagu guda jiray howlgal ay ka fuliyeen gudaha Qasa.

Ilan Weiss waxaa lagu dilay weerarkii Xamaas ee Koonfurta Israa’iil dhacay 7-dii October, 2023.

Weerarkaasi wuxuu lagu dilay 1,200 oo qof, halka Xamaas ay qafaalatay 251 qof. Israa’iil ayaa kadib bilowday dagaal culus oo ka dhan ah Xamaas gudaha Marinka Qasa, kaasoo ilaa hadda socda.

Sida ay sheegayaan tirooyinka ay soo saareen hay’adaha caafimaadka ee deegaanka, in ka badan 63,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka ilaa xilligaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker