“Sanaag iyo Sool Bari waa dhul ka tirsan Soohdinta Sharciga ee Somaliland” Gudoomiyaha Xisbiga KAAH

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KAAH, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay hadallada maanta ka soo yeedhay qaar ka mid ah raggii ka hadlayey madashii Laascaannood, isagoo sheegay in weedhahaasi ay yihiin kuwo colaad abuuraya.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray in hadalladaasi ay xambaarsan yihiin niyad jab iyo abaabul dagaal, taas oo aan u adeegaynin danaha dadka walaalaha ah ee isku ehelka iyo ood-wadaagta ah ee wada nool. Waxa uu sheegay in dareenkaasi uu ka dambeeyo dano gaar ah iyo aragtiyo khatar ku ah maamulka Xasan Sheekh, ee aan looga fiirsan xalinta xurgufaha jira.

Guddoomiyaha KAAH ayaa si cad u tilmaamay in Sanaag iyo Sool Bari ay yihiin dhul ka tirsan soohdinta sharciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna ku booriyey in khilaafaadka ka taagan gobolkaas lagu xalliyo wadahadal iyo garnaqsi walaalnimo.

Intaasi kadib, Mudane Maxamuud Xaashi waxa uu soo jeediyay in Ceerigaabo aysan u baahnayn colaadda, balse ay u baahan tahay nabad, caano, iyo cawo-bari, taas oo ka tarjumi karta jawi wanaagsan oo shacabka ay ku wada noolaadaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in ragga ku baaqaya colaadda ay tahay in la fahmo inay kaliya abuuri doonaan dhibaato iyo xasarad aan faa’iido lahayn.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Xisbiga KAAH waxa uu soo jeediyay in Ceerigaabo aysan ahayn magaalo cusub, balse ay tahay tii shalay iyo dadka reer Ceerigaabo aysan ahayn kuwo soo guuray, balse ay yihiin dadkii horey ugu noolaa magaalada, kuwaas oo si taxaddar leh uga shaqeynayay masiirkooda. Sidaa darteed, waxa uu ku baaqay in aan la oggolaanin in xaaladda Ceerigaabo lagu xumeeyo colaadaha iyo khilaafaadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker