Maroodi khamri la siiyay oo cadho ka dhaliyay Kenya

Nin dalxiis u joogay dalka Kenya una dhashay Swedin ayaa caro ka abuuray baraha bulshada, ka dib markii laga duubay muuqal isagoo khamri waraabinaya maroodi.

Muuqaalka laga duubay ninka ayaa muujinayay isagoo cabaya “Tusker” oo ah khamri caan ka ah waddanka Kenya, kaas oo uu markiiba afka uga shubayo maroodiga

BBC-da ayaa aragtay muuqaalka oo xaqiijisay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu markiiba ka saaray, kaas oo u uku muujinayay in aysan wax weyn ahayn khamriga uu siiyay maroodiga.

Xubin ka tirsan xarunta sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sheegay, inuu aad uga naxay hab-dhaqanka ninka – muuqaalkanaa loo gudbin doonaa “mas’uuliyiinta,”.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker