Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo Raashin Gargaara ku Wareejiyay Maamulka Degmada Sheekh
Sheekh (OWN) Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa maanta maamulka degmada Sheekh ku wareejiyay raashin gargaar ah oo loogu talo galay dadkii ay abaaruhu saameeyeen.
Raashinkan ayaa ka mid ah dadaallada lagu doonayo in lagu caawiyo bulshada ay abaaruhu dhibaateeyeen ee ku nool gobolkaasi.
Raashinka la guddoonsiiyay maamulka degmada Sheekh, ayaa la filayaa in si siman loogu qaybiyo qoysaska ugu baahan.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in gargaarkani yahay qayb ka mid ah qorsheyaal ballaadhan oo lagu xoojinayo taageerada bulshada ku sugan xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha.
Maamulka degmada ayaa dhankooda uga mahadceliyay guddoomiyaha iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta gargaarkan, iyaga oo ballan qaaday in si hufan loogu gudbin doono dadka ay u baahan yihiin.




