Dil wadareed kale oo laga sheegayo Sudan

Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen duqeyn xooggan oo ciidamada RSF ay ku qaadeen magaalada El Fasher oo ah magaalada kaliya ee wali gacantooda ku jirta.

War kasoo baxay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa lagu sheegay in afar iyo labaatan qof ay ku dhinteen duqeymo lala beegsaday bartamaha suuqa magaalada.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijisay weerarkan, laakiin RSF ayaa marar badan lagu eedeeyaa duqeymo aan loo meel dayin iyadoo sii xoojineysa go’doominta.

Xaalada gudaha Ceel-Fasher ayaa la sheegay inaytahay mid quus ah, balse ka qaxidda magaalada ayaa ah mid halis ah. Koox haween ah iyo caruur ah ayaa la dilay dhamaadkii todobaadka iyaga oo isku dayaya in ay ka baxaan magaalada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker