Ciidano Halis ah oo Tababar loo Soo xidhay

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Sareeye guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan iyo wafti uu hoogaminayo ayaa tababar u soo xidhay cutub ka mid ah Ciidanka gaarka ah, ( Special force), ee fuliya hawl-galada gaarka ah, (Special operations).

Dugsiga tababarka Cadaadlay ee gobolka Maroodijeex ayaa tababarkaasi loogu qabtay, iyadoo loo asteeyay in uu noqdo Dugsiga tababarka ciidanka gaarka (Special forces training center).

Ciidankan ayaa loo tababaray si heer sare ah iyagoo lagu tababaray laguna qalabeeyay noocyada kala duwan ee qoryaha oo uu ka mid yahay sniper-ku, tan ayaa qayb ka ah safarka Ciidanka Qaranka JSL , ee ku waajahan xirfad sare Iyo diyaar-garow dhamaystiran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker