QM oo Isra’iil ugu Baaqday in Gargaar geynta ay Qasa ay ogolaato
New York (OWN) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay xukuumadda Isra’iil inay u ogolaato in gargaar bini’aadantinimo si madax bannaan loogu gaadhsiiyo dadka ku nool deegaanka Qaza.
Baaqa ayaa ku tilmaamaya dhibaatada ka jirta Qaza inay tahay mid ay bini’aadamku sababeen, isla markaana waxa uu Isra’iil ku amray in ay joojiso dagaalka iyo duqeynta, ayna aqbasho xal nabadeed.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Isra’iil ayaa dadka Qaza ku nool ku wargelisay in ay u guuraan waqooyi si ay u helaan nabad iyo gargaar, iyadoo duqeyn cirka ah ay maanta ku dishay toddobo qof.




