Laba Carruur oo lagu Dilay Toogasho Dugsi ka Dhacday
Booliska federaalka ee Mareykanka ayaa baadhitaan ku sameynaya toogasho ka dhacday dugsi ku yaalla Minyaabulis, taas oo ay ku dhinteen laba carruur ah, oo da’doodu ahayd 8 iyo 10 sano, halka 17 kale ay ku dhaawacmeen.
Weerarka, oo uu fuliyey 32-jir lagu magacaabi jiray Robin Wesmaan, ayaa ka dhacay daaqad ku taalla kiniisad carruurta xaflad ku sameynayeen aroornimadii Arbacada.
Weeraryahankii ayaa isna dhintay markii uu is-dilay, agaasimaha FBI, Kaash Batal, ayaa ku tilmaamay weerarka mid argagaxiso, oo ay ku jiraan naceyb xagga jinsiga iyo caqiidada, iyadoo baadhitaanku uu weli socdo.




