Haweeney ka baryeysa Elon Musk in uu ka saaro bartiisa sawiro lagu xadgudbayo yaraanteedi

Gabadh yar oo dhibane u ah farxumeyn loo geystay markii ay ilmaha aheyd ayaa weydiisatay Elon Musk in uu joojiyo muuqaallada faraxumeynta ee lagu baahinayo shirkadiisa X.

“Markii aan maqlay xadgudubkii aan la kulmay iyo kuwa kale oo ku dhacay dad kale in ay ku jiraan baraha bulshada sida alaab la iibinayo, waa wax laga xumaado” ayey tiri gabadhaas oo magacaadi la qariyay loona bixiyay Zora, waxay ku nooshahay Mareykanka. Markii ay la kulantay xadugudbka waxaa laga joogaa 20 sano.

“Markasta oo qof sii iibiyo waxyaabo carruur la faraxumeynayo, waxay dib u soo kicinayaan wixii hore u dhacay,” ayey tiri Zora.

Shirkada X waxay sheegeen in aysan aqbaleynin waxybaaha la xiriira faraxumeynta carruurta, waxayna sheegeen in ay la dagaallamayaan kuwa ka faa’ideysanaya carruurta.

BBC-da ayaa heshay muuqaalka Zora xili ay baarayeen carruurta muuqaalada carruur lagu sameeyo galmada ganacsi.

Machadka caalamiga ee badbaada carruurta oo ah urur ka shaqeeya wacyigelinta xagudubka galmo ee loo geysto carruurta ayaa ku qiyaasay in balaayiin doolar laga sameeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker