Trump oo arbacada maanta shir gudoomin doono kulan ballaaran oo ka dhici doona Qaza

Ergeyga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu shir guddoomin doono shir ballaaran oo maalinta Arbacada ah ka dhici doona Gaza, xilli Israa’iil ay horay u sii waddo qorshe ay ku qabsaneyso dhulkaas.

Mr Witkoff ayaa u sheegay Fox News Washington, inay dejinayaan qorshe dhammaystiran oo ku saabsan maaraynta Gaza dagaalka ka dib.

Madaxweyne Trump ayaa horay u sheegay in aragtidiisa ay tahay in uu la wareego Gaza oo uu u raro muwaadiniinteeda.

Mar la weydiiyay in Israa’iil ay tallaabo ka duwan oo lagu joojinayo dagaalka, ayna u xaqiijin lahayd soo celinta la haystayaasha, Mr Witkoff wuxuu sheegay in arrinta la xallin doono ka hor dhammaadka sanadkan”.

Talaadadii shalay, tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, iyagoo dalbanaya heshiis xabbad joojin ah si dalkooda dib loogu soo celiyo la haystayaashii Israa’iil ee ku haray gacanta Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker