Nin toogasho ka geystay Australia oo weli la baadi goobayo

Booliska dalka Australia ayaa sheegay in nin aad u hubeysanaa oo Isniintii la soo dhaaafay toogasho ku dilay labo askari oo boolis ah uu weli baxsad yahay.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Dezi Freeman, ayaa lugihiisa ku baxsaday, kadib markii uu rasaas ku furay askartaasi oo tegay gurigiisa oo ku yaalla magaalladda Porepunkah ee Waqooyiga magaalladda Melbourne, si ay u fuliyaan amar lagu baadi-goobayo fal-dambiyeedyo galmo oo lagu eedeeyay ninka dilka geystay.

Sarkaal saddexaad oo dhaawac culus uu soo gaaray ayaa maray qalliin.

Booliska ayaa baaritaankooda diirada ku saaraya meel duur ah oo ciriiri ah oo ka tirsan dalkaas, waxayna dadka aaggaas ugu baaqeen in aysan banaanka u bixin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker