Maxkamadda sare ee gobolka Tigray oo soo saartay go’aan ka farxinaya hablaha muslimiinta ah ee waxbarta
Maxkamadda sare ee gobolka Tigray ayaa ku dhawaaqay go’aanka ku saabsan ardayda Muslimka ah ee gabdhaha ah ee waxka barta magaalada Axum, kuwaas oo laga hor istaagay inay kusoo galaan iskuulka iyaga oo xidhan xijaabka: maxkamaddu waxay amar ku bixisay in “loo ogolaado inay waxbartaan iyaga oo xidhan xijaabka”.
Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Tigray ayaa codsaday in go’aankan maxkamada la dhaqangeliyo lana ogolaado in ay hablahu dib loogu soo celiyo fasalka iyagoo ay xidhan labiskaan islaamiga ah.
Hablaha muslimka ee waxka barta magaalada Aksum oo aan ka qaybgelin imtixaanaadkii qaranka iyo kii deegaanka tan iyo bishii November ayaa codsaday in magdhow laga bixiyo waxbarashadii ayka hadheen.
Waaxda Madaniga ee Maxkamadda Sare ee Deegaanka Tigray, ayaa go’aankan gudbisay Khamiista, Agaasimaha isgaadhsiinta maxkamadda, Alemayehu Eshte, ayaa BBC-da u sheegay in go’aankaasi dhab ahaan la soo saaray.
Golahana ayaana maxkamadda arrinkaan u gudbiyay kadib markii ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee magaalada caasimadda ah ee Aksum ayka mamnuucday hablaha muslimiinta ah xidhashada xijaabka.
Waxuu sheegay In Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Gobolka Tigray in ay ka gudbiyeen dacwadaan waaxda waxbarashada ee deegaanka.




