Denmarka oo u yeedhay diblomaasiga ugu sarreeya dalkeeda ka dib eeda faragalinta Greeland

Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark ayaa u yeeray diblomaasiga ugu sarreeya dowlada Maraykanka ee ku sugan Copenhagen, ka dib eedo la xiriiro in muwaadiniin Maraykan ah ay howlgalo qarsoodi ah ka wadaan Greenland.

Warbaahinta guud ee dalka Denmark ee magaceeda loo soo gaabiyo DR oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in ujeedadu ahayd in bulshada Greenland lagu soo dhex dhuunto, ayna qayb ahaan dadka Danmark geeyaan Maraykanka, inkasta oo aan la caddayn cidda ay u shaqaynayeen.

Sirdoonka Denmark ayaa ka digay Greenland inay bartilmaameed sadeen noocyo kala duwan oo dad wada olole saamayn leh oo ka dhan ah joogitaanka Denmark ee Jasiirada uu sida weyn u danaynayo Trump inuu la wareego.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker