Dagaalka Ukraine: Ciidanka loo yaqaanno ‘Guutada Soomaalida’ maxay ka sameeyeen Mariupol?

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa mar kale soo cusboonaysiiyay hadal haynta ku saabsan ciidamada Ruushka taageersan ee loo yaqaanno “Guutada Soomaalida”, kaddib markii ay gacan ka gaysteen dagaalkii ka socday magaalada Mariupol.

Kaddib markii uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ku dhawaaqay in Ciidanka waddankiisa ay la wareegeen magaalada Mariupol oo in muddo ah la isku hor taagnaa, waxaa durbadiiba soo baxday in guutada loo garan og yahay “Somalia Battalion” ee dalka Ukraine, balse Ruushka la safan ay kaalin wayn ku lahaayeen howlgalka ka dhacay Mariupol.

Telefishinka Ruptly ee laga leeyahay Ruushka ayaa ka mid ahaa warbaahinta ugu horreysay ee soo tebiyay in Guutada Soomaalida iyo ciidanka Ruushka oo is garabsanaya ay la wareegeen magaaladaas uu dagaalka culus ka socday tan iyo markii ay militeriga Ruushka weerarka ku qaadeen Ukraine.

Warbaahinnada kale ee caalamka qaarood, sida telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya, ayaa hadal hayay wararka ku saabsan Guutada Soomaalida ee ka dagaallantay Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Maalmo kaddibna, ciwaannada warbaahinta waxaa qabsaday warka ku saabsan in guutadaas ay ka faro xalatay furimihii dagaalka ee Mariupol goobihii ay xoogaggeeda qabsadeenna ay ku wareejiyeen Militeriga Ruushka, iyaguna ay dib ugu laabteen halkii ay duullaanka kasoo qaadeen oo ah gobolka Donetsk.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker