๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ฃ๐๐๐ฎ๐ฎ๐ญ๐ข .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay wefti ka socday Jamhuuriyadda DJabuuti, weftigaa isaga ah waxa hoggaaminayey Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee DJabuuti, Mudane Maxamed Warsame Diiriye.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dalxiiska, isu socodka dadka, iyo mashaariicda horumarineed ee labada waddan faa’idada u leh.
Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo ballaadhin lahaa, loona xoojin lahaa Xidhiidhka Taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo iskaashi ee ay wadaagaan labada dad iyo labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Djabuuti.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu weftiga uga mahadceliyey booqashadooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta ganacsiga iyo fududeynta dalxiiska, si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo abuurka ee bulshada ku nool labada dhinacฤ.
Dhankiisa, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jam. DJabuuti Mudane Maxamed Warsame Diiriye ayaa sheegay in Dawladda iyo Shacabka reer DJabuuti ay ka goโan tahay in ay sii xoojiyaan xidhiidhka walaaltinimo, ka iskaashi iyo danaha muhiimka ee ay labada dal wadaagaan, gaar ahaan xagga Ganacsiga, Dalxiiska iyo Isku socodka dadka.




