Oodweyne: Gaadiid Cusub oo Lagu Horumarinayo Adeegyada Bulshada

Oodweyne (OWN) Masuuliyiinta degmada Oodweyne ayaa shaaciyey in gaadiid cusub lagu soo kordhiyey degmada, kaasoo si gaar ah loogu adeegayo bulshada.

Gaadiidkan ayaa loo adeegsan doonaa horumarinta adeegyada arrimaha bulshada iyo ilaalinta fayo-dhawrka guud ee magaalada.

Sidoo kale, dowladda hoose ee Oodweyne ayaa gaadiid cusub ku wareejisay magaalada Dabo-goryaale, oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee wax-soo-saarka iyo dakhliga dalka.

Duqa degmada Oodweyne, Ibraahim Qasaal Rooble iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa sheegay in gaadiidkani wax weyn ka tari doono bilicda iyo nadaafadda magaalada, ayna kaalin mug leh ka qaadan doonaan adeegyada dadweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker