Tirada dadka ku dhintay Sanca oo korodhay
Saraakiisha Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen caasimadda Sanca ay ku dhinteen lix qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan siddeetan qof.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay ka mid yihiin dhismo ciidan oo ku yaalla madaxtooyada, laba warshadood oo koronto ah iyo goob lagu kaydiyo shidaalka.
Waxay sheegtay in duqeymahan ay uga aargoosanayeen gantaallada Xuutiyiinta ee soo noqnoqday ee Israa’iil.
Tan iyo markii uu dagaalka Qaza bilowday, Xuuthiyiinta waxa ay weerar ku qaadeen maraakiib marayey badda cas, waxa ayna gantaalo ku garaaceen dhanka Israel, waxa ay ku sheegeen ficilo ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.




