Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya oo sheegay sababta aysan Shabab u gaarin Puntland iyo Somaliland

Danjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre Jr ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay tahay in looga mahadceliyo in ay xakameeyeen Al-Shabab.

Safiirka ayaa si gaar ah uga hadlay in sababaha aysan al-Shabab u gaarin goobaha kale sida Puntland iyo Somaliland ay tahay in ciidamada Soomaaliya iyo saaxibadda caalamiga ah ay xakameeyeen.

“Waxa ay tahay in Somalilnd iyo Puntland ay gartaan ayaa ah waxa ay ciidamada qaranka ee Soomaaliya iyo xulufada caalamiga ah gaar ahaan Midowga Afrika, waxay sameeyeen inay ku xakameeyaan al-Shabab dhanka Koonfurta dalka, marka in ay yiraahdaan eega sida aan u wanaagsanahay oo weeraro al-shabab ah kama dhacan aaggeenna,” ayuu yiri safiirka.

Danjire Larry Andre Jr oo wareysi ay ka qaadday gabadh lagu magacaabo Dr Hodan Cali laguna baahiyay baraha bulshada ayaa farta ku fiiqay in ciidamada Soomaaliya iyo saxaibbada caalamiga ah ay tahya in looga mahadceliyo howsha ay qabteen ee ah in Shabab ay ku hor-istaageen koonfurta Soomaaliya.

“Waa in ay yiraahdaan waad mahadsan tihiin ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxabbadooda caalamiga ah oo iyagu al-shabab ku hor-joosaday oo ku xakameynayay Koonfurta,” ayuu hadalkiisa ku daray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker