Magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga Jamhuuriyadda Jabuuti,

Magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Maxamed Warsame Diiriye, oo maanta soo gaadhay caasimadda Somaliland.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cigaal kusoo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Jabuuti ayaa lagu qaabilay qolka nasashada ee madaarka, halkaas oo labada wasiir ay kaga wada hadleen muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo arrimaha kale.

Ujeeddada safarka wafdiga ayaa lagu sheegay ka qaybgalka xafladda furitaanka huteel casri ah oo caalami ah oo laga hirgeliyay magaalada Hargeysa, kaas oo maanta si rasmi ah xadhigga looga jari doono.

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa sheegay in huteelkan cusub uu muhiimad weyn u leeyahay horumarinta adeegyada dalxiiska, kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgelinta gaarka loo leeyahay.

Soo dhaweynta wafdiga Jabuuti ayaa qayb ka ah xidhiidhka wanaagsan iyo iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaana la filayaa in socdaalkoodu uu yeesho kulamo kale oo la xidhiidha arrimaha ganacsiga iyo horumarka.

Waxaanu yidhi.“Ujeeedada weftigani waa ka qaybgalka huteelka casriga ah ee magaalada Hargeysa, laga furayo kaas oo ah huteel caalamiya, isla markaana goor xadhiga laga jari doono,”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker