Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Faransiiska ayaa si weyn u soo dhaweeyay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska,

Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Faransiiska ayaa si weyn u soo dhaweeyay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska, ahna la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha booliska, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabogale), oo booqasho shakhsi ah ku tagay dalkaas.

Gen. Dabogale waxaa madaarka Paris kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Faransiiska, Maxamed Nuux Aadan, Sidiiq Cabdi Aadan oo baratakoolka jananka qaabilsan, iyo xubno kale oo ka tirsan jaaliyadda.

Intii uu joogay Faransiiska, waxa uu kula dardaarmay jaaliyadda inay xoojiyaan midnimadooda, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta iyo masaalixda Jamhuuriyadda Somaliland.

Jaaliyadda magaalada Toulouse ayaa xalay ku maamuustay xaflad casho sharaf ah, halkaas oo lagu muujiyay qadarin iyo bogaadin loo hayay taliyihii hore ee Booliska.

Sidoo kale, maanta ayuu Gen. Dabogale booqday qaar ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee magaalada Paris, isaga oo u mahadceliyay jaaliyadda Faransiiska sidii wanaagsanayd ee ay ugu soo dhaweeyeen safarkiisa.

Safarkiisu waxa uu noqday mid ay bulshada jaaliyaddu ku muujiyeen isku duubni iyo kalgacal ay u hayaan dalkooda hooyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker