Iran oo ka hadashay weerarrada Israa’iil ku qaadday Yemen

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay weerarrada cirka ee Israa’iil ku qaaday Sanca. Baaq uu ku daabacay bogga rasmiga ah ee Telegram-ka ee wasaaradda, ayuu Baghaei uga tacsiyadeeyay dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarka, wuxuuna u rajeeyay dhaawacyada caafimaad degdeg ah.

Dowladda Sanca oo xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in weerarrada “gardarrada ah” ee Israa’iil ee lagu qaaday Yemen ay tahay cutub cusub oo dambi ah isla markaana ay tahay dambiyo dagaal oo xun,” iyadoo adkaysay in duqeymahaasi aysan ka hor istaagi doonin shacabka Yemen taageeradooda joogtada ah ee ay u hayaan Qasa.

Waxay sidoo kale adkaysay xaqa ay Yemen u leedahay inay difaacdo, dhulkeeda isla markaana ay ka hortagto gardarro kasta oo lagu soo qaado, iyadoo qaadaysa tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah ilaalinta ammaankeeda qaran.

Maxamed al-Farax oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta ayaa isna sheegay in weerarrada Israa’iil ee lagu qaaday Sanca ay beegsadeen xarumo rayid ah, isagoo carabka ku adkeeyay in “cadowgu si ula kac ah u waxyeelleynayo shacabka Yemen, si la mid ah sida ay u wax yeelleeyaan shacabka Qasa.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker