Jeneraal Maraykankan ah oo shaqada looga cayriyey arrin la xidhiidha Iiran
Xoghayaha difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa shaqada ka eryay madaxa hayโadda sirdoonka ee Pentagon-ka, toddobaadyo un kadib markii Aqalka Cad ka horyimid warbixin qiimeyn ah oo la xiriirtay saameynta weerarada Mareykanka ku yeesheen Iran.
Lt Gen Jeffery Kruse ma sii ahaan doono madaxa hay’adda sirdoonka difaaca Mareykanka (DIA), Pentagon-ka ayaa bayaan ku sheegay. Labo kale oo taliyeyaal sare oo militari ah ayaa sidoo kale waxaa xilka ka qaaday Pentagon-ka.
Waaxda difaaca Mareykanka weli ma aysan bixin wax sharaxaad ah oo rasmi ah oo ku saabsan sababta xil-ka-qaadista.
Bishii Juun, Madaxweyne Donald Trump ayaa si adag uga jawaabay warbixin la dusiyay oo ay diyaarisay DIA, taasoo lagu sheegay in weerarada Mareykanka ee Iran ay dib u dhiggeen barnaamijka nukliyeerka Iran oo keliya dhowr bilood. Aqalka Cad wuxuu warbixintaas ku tilmaamay mid โsi buuxda u khaldan.โ
Trump ayaa ku dhawaaqay in goobihii Nukliyeerka ee Iran ay โgebi ahaanba burbureenโ, wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta โisku day lagu doonayo in lagu dhimo mid ka mid ah weerarradii militari ee ugu guulaha badnaa taariikhdaโ.
In shaqada laga eryey Kruse waxaa markii ugu horresay warisay Washington Post.
DIA, waa qayb ka mid ah Pentagon-ka waxayna ku takhasustay sirdoonka milatariga si ay u taageeraan hawlgallada. Waxay ururisaa xaddi badan oo sirdoon farsamo ah, laakiin way ka duwan tahay hay’adaha kale sida CIA.



