Dab xoogan ayaa saaka qabsaday saddex meheradood oo ku yaalla xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa,

Dab xoogan ayaa saaka qabsaday saddex meheradood oo ku yaalla xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka galbeedka dhakhtarka weyn ee Hargeysa. Dabkan ayaa si degdeg ah u baabi’iyey dhammaan agabkii iyo alaabtii ku jirtay meheradahaas, iyada oo aan ilaa hadda la xaqiijin sababta rasmiga ah ee uu ka dhashay.

Ciidanka damdamiiska iyo samatabixinta oo goobta si dhaqso ah u gaadhay ayaa dedaal dheer sameeyay, taas oo suurto-gelisay in dabku aanu ku fidin meherado iyo guryo kale oo ku dhowaa, inkasta oo dabayshu caqabad ku noqotay xakamaynta.

Inkasta oo khasaaraha hantiyadeed uu yahay mid weyn, haddana ilaa hadda lama soo werin wax khasaare naf ah oo dabkani gaystay. Laamaha amniga iyo maamulka degmada ayaa sheegay in baadhitaan rasmi ah lagu ogaan doono sababta keentay dabkan khasaaraha dhaliyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker