Kuuriyada Koonfureed oo qiratay inay weerareen askarta Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in ay rasaas digniin ah ku ridday horraantii toddobaadkan askarta Kuuriyada Waqooyi oo muddo kooban ka soo tallaabay xadka aadka loo ilaaliyo ee kala qaybiya labada dal.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa rasaasta ku tilmaantay “daandaansi ula kac ah” waxayna Pyongyang ku eedaysay Seoul in ay halis ugu jirto “xiisad aan la xakamayn karin”.

Taliyaha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed (JCS) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qaar ka mid ah askarta Kuuriyada Waqooyi ee ka howlgala aagga xudduudda ay 9-kii fiidnimo ka gudbeen xadka milatari ee u dhaxeeya labada dal. Waqtiga Seoul ee Talaadada.

Askartu markii dambe waxay ku noqdeen waqooyiga, ayay bayanku intaa raaciyay.

Dhacdadan ayaa la shaaciyay iyadoo madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung, uu Sabtidii ka dhoofay Seoul isagoo kuna sii jeedo Tokyo iyo Washington booqasho rasmi ah.

Pyongyang ayaa sare u qaaday mawqifkeeda adag toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo hogaamiyaha Kim Jong Un walaashii ay ka soo horjeedsatay dadaallada dib u heshiisiinta ee ay waddo xukuumadda Lee.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay dadaal ugu jirto oo bilowday sanadkii hore inay gebi ahaanba xirto xadka ay la wadaagto Kuuriyada Koonfureed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker