WHO : 10kii dumar ah ee Afrikaan ah afar ayaa is caddeeya

“Markaan is eegay maalinkii arooskeyda, foolxumo weyn ayaan isku arkay, waa markaan ugu foolxumaa abid,” ayay tiri Shiroma, oo codkeeda ay murugo ka muuqato.

Waxay ku nooshahay meel u dhaw caasimadda Sri Lanka ee Colombo. sida ay sameeyaan inta badan dumarka ku nool koonfurta qaaradda Asia, waxay go’aansatay inay is caddeyso ka hor maalinta arooskeeda. Waxay rajeynaysay inay hesho midib dabacsan oo ifaya.

”Labo bilood ka hor maalinta arooskeyga, ayaan tegay goob la isku qurxiyo, waxay i soo siiyeen Kareem la isku caddeeyo, hal toddobaad un kaddib markii aan isticmaalay, maqaarkeyga dubkii ayaa ka kacay,” sidaas ayay u sheegtay Laanta afka Sinhala ee BBC.

“Waxaan rabay inaan yeesho midib cad, balse waan gubtay baddalkeedii,” ayay tiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker