Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, kulan kula yeeshay Xaruunta Gobolka Awdal, Guddida Nabad-gelyada Gobolka Awdal.
Gudida oo uu hogaaminayay, Gudoomiyaha Gobolka Awdal Muxumud
Xasan Jaamac (Xodey) ayaa waxa ku wehelinaayay Taliyayaasha ciidamada Gobolka, Taliyaha Ciidanka Qaranka Gobolka Awdal, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka, Taliyaha Ciidanka sirdoonka Gobolka Awdal, Taliyaha Xabsiga wayn ee magaalada Borama.
waxa layska waraystay xaalada guud ee Nabad-galyada Gobolka Awdal iyo sidii dhamaan ciidamada kala duwan ee Gobolku si wacan shaqadooda u Gudan lahaayeen.




