Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo Shacabka kula Tukaday Salaaddii Jimcaha Masjidka Cumar Cismaan Cabdalla ee Xaafadda Jigjiga Yar.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, ayaa maanta Salaaddii Jimcaha la tukaday Shacabka ku dhaqan Xaafadda Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa.

Kadib tukashada salaaddii Jimacaha, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa Shacabka la hadlay, isaga oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in Allah SWT loogu shukriyo nimcooyinka faraha badan ee uu ku mannaystay ummadda reer Somaliland, waxana uu Shacabka ka codsaday in ay si joogto ah ugu duceeyaan hoggaanka dalka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa uu carrabka ku adkeeyay in horumar iyo barwaaqo lagu gaadhi karo oo keliya wada-jir iyo isku-duubni ka dhexaysa shacabka iyo Dawladda, isaga oo ballanqaaday in ay Xukuumadda ka go’an tahay in ay mar kasta la shaqayso bulshada si loo ilaaliyo nabadda, horumarka iyo wada noolaanshaha ummadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker